Darawaliinta Soomaalida ee Kaxeeya Gawaarida Xamuulka ee Dalka Maraykanka oo Laga Codsay Inay soo Gudbiyaan Sharciyadooda (Dhagayso)

Darawaliinta Soomaalida ee Kaxeeya Gawaarida Xamuulka ee Dalka Maraykanka oo Laga Codsay Inay soo Gudbiyaan Sharciyadooda (Dhagayso)

daajis.com:- Darawalada Soomaalida iyo kuwa kale ee ajaanibta ah oo kaxeeya gawaarida xamuulka ah ee isaga kala Goosha gobolada dalka Maraykanka ayaa waxaa looga digay inay waayi doonaan shatiyada lagu wado baaburta waaweyn, haddii aanay keeni caddeyn muujinaysa warqadda dhalashada Maraykanka ama warqadda dagannaanta ee ay dalka Maraykanka ay ku joogaan.

Afhayeenka Gobolka ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid uu gobolkani ku fulinayo sharciyo federaali ah oo dhinaca shatiyada qaabilsan, kaas oo amraya in darawalliinta ku shaqeeya baabuurta xamuulka qaada iyo buses-ka waaweyn ay is diiwaangeliyaan.


DHAGAYSO
Waaxda wasaaradda Gaadiidka ee gobolka Ohio ayaa warqad u dirtay bishii la soo dhaafay 560 ajinebi ah, oo ay siisay muddo 30 cisho ah inay ku soo gudbiyaan dukumntiyadooda, ama codsadaan racfaan, amabase ay soo celinayaan shatiyada ay ku wadaan baabuurta waaweyn, hadii aysan sharci u haysan.
Talaabadan ayuu gobolku ku sheegay in sanadkii 2012 uu codsi uga yimid dowladda Federaalka ah, laakiinse hadda marlabaad lagu adkeeyay inay soo gudbiyaan warqadahaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada