Guddoonka cusub ee BF iyo 3-da isbaheysi: Kuleyl hadduu kow yahay

Guddoonka cusub ee BF iyo 3-da isbaheysi: Kuleyl hadduu kow yahay

daajis.com:- Waxaa la soo gabagabeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaan cusub ee 10-aad oo ay ku soo baxeen saddex mas’uul oo aan cusbneyn, wax badanna ku soo jiray Baarlamaanadii hore iyo dowladihii isaga danbeeyay dalka.

Qormadan kooban waxaan ku eegeynaa guddoonka cusub iyo halka uu kasoo jeedo oo laga yaabo in Baarlamaanku u jiheeyo dalka, iyadoo 4 sano ee soo socota ay yihiin kuwo xasaasi ah oo la doonayo in Soomaaliya ay u gudubto dowladnimo rasmi ah.

ISBEDDEL

Waxay ka mid tahay ereyada soo noqnoqda mar waliba oo Doorasho la galo, laakiin kama dhigna sida macnaha ereygu u muuqdo ISBEDELKA siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Soomaalida waa mid ku wajahan shaqsi kaliya oo ah kan ugu sareeya dalka.

Guddoonka cusub kuma jiro mas’uul cusub oo la tijaabinayo, Guddoomiyaha dib ayuu u soo laabtay, si kastoo baarlamaankii hore loo eedeeyay isaga waa laga soo reebay sababuhuna waa badan yihiin, Guddoomiye ku xigeenka labaad isna waa soo laabtay, waxaa cusub oo haddana qadiim ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad oo dowladii labada Shariif ee Kumeelgaarka ahayd isla xilkaas kasoo qabtay waxqabad iyo aqoon badanna aan lagu tuhmeynin. Sidaas darteed ma jiraan wax is bedelay oo kuwa isbedel doonka ahaa ay ku farxaan.


WADA-SHAQAYNTA

Guddoon kasta waxaa muhiim u ah inay dhex marto wadashaqeyn iyo midnimo ay uga gudbi karaan caqabadaha ka hor yimaada, iyadoo la hubo in mooshinadu iska daba imaan doonaan, xukuumaddo iyo madaxweye-na halis la gelin doono ayaa baahi weyn loo qabaa guddoon wada shaqeeya oo isku kalsoon, si aanay u dhicin in halkii wax lagu xalin lahaa khilaaf ka yimaado.

Inkastoo Prof. Jawaari si weyn uga gilgishay in la wato xilligii doorashadiisa, haddaba waxaa cad inuu taageero ka heystay madaxweyne Xasan Sheekh, sababtaasi ay qeyb ka ahayd guushiisa, taasoo ay keentay inuusan heynin cid kale oo uga roon. Waxaa xaqiiqo ah in doorashada Jawaari ay ahayd mid ku timid arrimo is biirsaday iyo isbedel ka carar mideeyay xildhibaanada beelaha Hawiye iyo Daarood.

Jawaari oo aan looga baran go’aan qaadasho adag iyo mowqif wuxuu noqon doonaa mas’uulka kaliya ee Xasan Sheekh ku leeyahay Baarlamaanka cusub haddii ay timaado in loo abtirin siyaasadeed loo sameeyo.

Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey oo ah shaqsi ku tiirsan madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaana taariikh madow ku leh hogaaminta barlamaankii KMG ahaa markii uu guddoomiye ku xigeenka u ahaa Shariifka, waxay xildhibaanadii la soo shaqeeyay aaminsan yihiin inuu Baarlamaanka 10-aad u hogaamin doono isku dhac iyo khilaaf joogto ah sida baarlamaankii dowladii C/llaahi Yuusuf ee Shariif Xasan hogaaminayay, tiiyoo la ogyahay in Shariifka iyo Jawaari loolan siyaasadeed iyo mid shaqsi ah ka dhaxeeyo.

Waxaa lagu tilmaamaa musharax ku soo laabtay dabeyl siyaasadeed oo socotay, waxaana uu helay fursad musharixii la tartamayay lagu riixay in laga wato madaxtooyada, waana sida doorashada Ssoomaalidu u dhacdo in qof aan lagu talo gelin loo doorto naceybka qof kale.

Mahad Cawad wuxuu gacansaar la leeyahay madaxweyne ku xigeenka Puntland, wuxuuna isku dayay inuu iska dhigo qof reer Puntland ah, inkastoo ay taasi u socon weyday, haddana waa siyaasi lagu tiriyo inuu ka shidaal qaato Garowe.

Wada shaqeyta Guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad ma xumeyn, inkastoo Mahad ahaa ninka ugu xagjirsan guddoonkii hore oo ay is qaban jireen inta kale, haddana jagadiisa oo ah tan labaad ayaa wax badan xadideysay iyo iyadoo labada ka sareysay ay isku dhinac u jeedeen.

Mar haddii aanu isbedel jirin, saddex nin ee Guddoonka cusub ku soo wada baxayna siyaasad ahaan isku dhinac u jeedin, waxay xaaladu u muuqataa in gudodonka Baarlamaankani aan looga fadhin waxqabad iyo rajo badan, waxayse ku xirnaan doontaa xildhibaanada cusub iyo kuwii hore ee hadda xilka haya inay la kala saftaan iyo inay xilkooda ka soo dhalaallaan.

Baarlamaanka cusub ee 10-aad waxay saadaashiisu la mid tahay sheeko qabsatay ninkii miskiinka ee goob Alle-bari ka jiro tegay oo Basbees (Shidni) u maleeyay Suugo, kadibna markii baahi heysay darteed uu isku boobsiiyay raashinkii dhegaha qaac kasii daayay, isagoo dhididkiisu baxayo oo si darran u gubtayna uu weydiiyay dadkii meesha joogay: War xuskaani muxuu ahaa? waxaa loogu jawaabay: Fidoow (Qof dhintay) ayaa lagu qaboojinayay, markaasuu yiri: KULEYL HADDUU KOW YAHAY.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada