Doorashada: Kulamo ka socda Xamar iyo is-aaminaad heer sare ah oo jirta

Doorashada: Kulamo ka socda Xamar iyo is-aaminaad heer sare ah oo jirta

daajis.com:- Kadib doorashadii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ee soo idlaatay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday Kulamo kala duwan oo la xiriira doorashada madaxweynaha.

Kulamadaasi ayaa u dhaxeeya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo musharixiinta qaar ee doonaysa inay qabtaan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo taageero ka raadinaya xildhibaanada

Inkastoo kulamadaasi ay socdaan ayaa haddana waxaa jirta is aaminaad daro ka dhex taagan musharixiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiinta ayaa ka baqaya in dhaqaalo badan looga qaato doorashada islamarkaana ay hadhow waayaan codka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, sida marar badan dhacday.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhankooda doonaya in dhaqaalo badan ay ka qaataan musharixiinta ugu cad cad xilka madaxweynaha Soomaaliya dhammaantood, kadibna ay mid ka mid ah u codeeyaan, taasi oo musharaxiintana ay dareensan yihiin.

Kulamada ayaa kusoo aadaya iyadoo la wada og yahay natiijadii doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo uu kusoo baxay C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey, taasi oo saadaal ka bixisay doorashada madaxweynaha.
Taasi ayaana shaki badan dhalisay, maadaama la filayay in Faarax C/qaadir uu kusoo baxayo kursigaasi, balse ma aysan dhicin oo waxaa muuqata in xildhibaanada ay qaarkood dhaqaalo qaateen balse codka ay dhinaca kale u weeciyeen.

Musharaxiinta ayaa iminka ka baqaya inay taas oo kale ku dhacdo, waxaana ay ka fakarayaan xeelado ay ku xaqiijin karaan in lacagtooda aysan meel cidla ku bixin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada