Kulan lagu taageerayay maamulka Hirshabeele oo lagu qabtay gobolka Minnesota

Kulan lagu taageerayay maamulka Hirshabeele oo lagu qabtay gobolka Minnesota

daajis.com:- Xaflad u baalaran oo lagu taageerayay Maamul goboleedka Hirshabeele ayaa lagu qabtay magaaladda Minneapolis eegobolka Minnesota xarunta shirarka ee Safari hall.

Kulanka oo ay ka soo qeybgalleen dadweyne tiro badan ayaa waxaa khadka taleefoonka uga soo qeybgallay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosobole, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Madaxda ayaa uga mahad celisay jaaliyada kulanka ay soo qabanqaabiyeen ee taageerada loogu muujinayay maamulka, sidoo kalana waxaa ay ka warbixiyeen xaalada deegaannada maamulka uu ka arimiyo gaar ahaan arinta abaaraha.

Sidoo kale waxgardkii kala duwanaa ee ka hadlay munaasbaada taageerada ayaa ugu baaqay jaaliyada Hirshabeelle ee gobolka Minnesota in ay ka qeyb-qaataan adeegyada hormarineed.

Waxaa ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeyb-gashay kulanka xildhibaan Eng Cabdikariin Cali Nuur oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka federaalka isaga oo sheegay in maamulka Hirshabeelle hadda ku howlan yahay dib u hagaajinta warshadii uu gobolka caanka ku ahaa, isaga oo ku buuriyay bulshada gaar ahaan ganacsatada in ay arintaa gacan ka geystaan, isaga oo sheegay in la daah furay, lagalana xiriiri karo shirkahada Dahabshiil iyo Amaanna.



Sidoo kale siyaasiyiintii ka hadashay kulanka waxaa ka mid ahaa Cabdikariin Axmed Daahir oo ka mid ahaa guddigii xalinta khilaafaadka doorashooyinkii 2016kii, isaga oo ku dheeraaday sidii wacneyd oo ay doorashada u dhacday.

Duuliye Ibrahim Abiikaroo isaguna ka mid ah waxgaradka Minnesota ayaa ka sheekeeyay taariikhada labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ee leysku daray, isaga oo sheegay in labada gobolba leeyihiin taariikh fog oo soo jireen ah.

Ugu danbayntii waxaa xaflada intii ay soctay ayaa waxaa halkaa sugaan kala duwan ku soo bandhigay fannaaniintii ka sooqeyb-gashay , gaar ahaan Hodan Cabdiraxman iyo Cabdullaahi Boqol.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada