Safiirka cusub ee Britian ee Soomaaliya oo Muqdisho yimi, kana hadlay hiigsiga iyo siyaasada loo soo xil saaray (Video)

Safiirka cusub ee Britian ee Soomaaliya oo Muqdisho yimi, kana hadlay hiigsiga iyo siyaasada loo soo xil saaray (Video)

daajis.com:- Safiirka cusub ee dowladda Britian usoo magacowday Soomaaliya David Concar ayaa xilka kala wareegaya Harriet Mathews oo mudadii loogu talagalay dhameysatay.


Fariim muuqaal ah  ayuu ku sheegay safiirka cusub in yoolkiisa yahay kor u qaadista xiriirka Somalia iyo UK, kana shaqeyn doono sidii labada dal u yeelan lahaayeen xiriir adag. “Mudnaanta koowaad ee shaqadeyda waxaan siin doonnaa inaan hubino sii socoshada taageerada iyo wada shaqeynta Britian ay la leedahay Somalia si loogu guuleysto horumarada la sameynayo’’ ayuu yiri David Concar.

David Cancor ayaa noqonaya safiirkii seddaxaad ee Britian usoo magacoowdo Somalia tan iyo markii Muqdisho laga furay safaarada oo ku taal xerada Xalane ee saldhiga u ah ciidamada AMISOM.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada