daajis.com:- Taliyaha Ciidanka xooga dalka Uganda General Katumba Wamala ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin maalintii Isniinta ku yimid Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa Xarunta ciidamada Amiso ee Xalane kulamo kala duwan kula qaatay wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya, ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Amisom iyo Saraakiisha Ciidanka Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya.
General Katumba Wamala ayaa dhinacyadan kala hadlay in la dardar-geliyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, si ay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ugala wareegan nabadgelyada dalkooda.
Taliye Katumba Wamala ayaa qoraal ku sheegay in Dowladda Uganda ay dooneyso in la xoojiyo tayada ciidamada ammaanka iyo in dib u dhis ballaaran lagu sameeyo Ciidanka Militariga ee dalka Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at