Atariishoyinka Bollywoodka Ka tirsan Kuwooda Ilaa Haatan Kashaqeya Ee Heysta Abaal Marinta Filimfare Awards Qeybteeda Atarishada Ugu Fiican (Best Actress)

Atariishoyinka Bollywoodka Ka tirsan Kuwooda Ilaa Haatan Kashaqeya Ee Heysta Abaal Marinta Filimfare Awards Qeybteeda Atarishada Ugu Fiican (Best Actress)

daajis.com:-  Kani waa maqaalkii labaad oo aan oga hadleenay jilayaalka ugu badan ee heysta abaal marinta filimfare awards kuwooda ilaa haatan ka shaqeyna bollywoodka.

Hadaba hadii aan idin la wadaagnay markii hore dhanka atoorayasha, haatana waxaan fiirinena dhanka atariishoyinka ugu badan biladaan. Waxaan soo qaadanay qaar kamid ah fadlan hoos kaga bogo.

1. Aishwarya Rai iyo Deepika Padukone:

Labadaan jilaa waxay heystaan min 2 jeer abaal marinta filimfare bixiso, qeybteeda atariishada ugu fiican.

2. Vidya Balan:

Atariishadan qaab jilinkeedi cajiibka lahaa aye waxay ku hanaty tiro 3 jeer ah inay ku guuleysato atarishada ugu fiican.

3.Madhuri Dixit:

Boqoradii Bollywoodka Madhuri ilaa hada waan xasuusana qaab jiliinki ay ku muujisay filimadii classic-da ahaa sida Dil, Hum Apke Hain Kaun, Dil To Pagal Hai iyo kuwo kale oo badan.

Waxayna ku guuleystay tiro 4 jeer ah atariishadan qeybta atarishada ugu fican. Ilaa haatan 49 jirtani bollywoodka wey ka dhex muuqata.
4. Kajol Devgan:

 Looma dhowaan karo Kajol waa atariishada ugu tirada badan  abaal marinta FilimFare awards qeybteeda atarisha ugu fiican.

Kajol waxay hanatay 5 jeer koobkaan, waxayna soo bar bareesay habaryarted Nutaan iskoor u yaalay taaso horey u heystay tiro 5 jeer ah.

Waxaa xusid mudan in Kajol filimkeedi ugu dambeyay ee ‘Dilwale’ oo ay lawaday SRK ay xitaa abaal marintaan ku tartantay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada