daajis.com:- Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo ahaa musharax u taagnaa qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa goordhaw oo maanta ah ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka musharaxnimada Madaxweynaha.
Faroole ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga dhawaajiyay in uu go’aansaday in uu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa, waxa uuna ugu baaqay Musharaxiinta kale in iyana qarakood tanasaulana si loo yareeyo tirada badan ee Musharaxiinta.
Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay inuu si iskiis ah u go’aansaday in uu tartanka ka haro, waxa uuna tilmaamay in uu jecleestay in uu fursad siiyo musharaxiinta kale ee u tartameysa hogaanka dalka si uu isbadel uga dhaco dalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have
