Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Xiran iyo Amniga oo aad loo Adkeeyay (VIDEO)

Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Xiran iyo Amniga oo aad loo Adkeeyay (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa maanta gabi ahaanba xiran wadooyinka ugu muhiimsan ee Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinka ay marayaan oo kaliya gawaarida ay leeyihiin madaxda dowladda oo Kaliya, dadka shacabkana ay yihiin kuwa cagtooda maalaya.

Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay amarkii ahaa in la xiray wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana uusan jiri doonin dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha ee magaalada gudaheeda.



Wadada Maka Al-Mukarama iyo Wadooyinka Wadnaha iyo mida Warshadaha, ayaa saaka gabi ahaanba xiran, waxaana halkaasi lagu arkayaa ciidamo fara badan oo ka tirsan Dowladda, iyo kuwa Amisom oo amniga sugaya.

Isgoyska kasta oo ku yaal magaalada Muqdisho waxaa ku go’an gaari Cabdi Bille ah iyo ciidamo badan, jidcadyaashana waxaa yaalla dhagxaan waaweyn iyo kaarikooyin carro ah oo wadada lagu gooyay.

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho looma ogola inay maraan dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan nawaaxiga wadada Afisiyoone, maadaama halkaasi ay ka dhaceyso maalinta beri ah Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada