News:- Cabdiraxmaan Faroole oo tanaasulay balse yuu taageerayaa?

News:- Cabdiraxmaan Faroole oo tanaasulay balse yuu taageerayaa?

daajis.com:- Musharax madaxweyne C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha, kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay in markii uu fiiriyay marxalada dalka uu ku jiro inuu iska casilay xilka musharaxnimada madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu isbaheysiga cusub ku biiray, balse waxaa meesha ka baxaya xildhibaanadii uu heli lahaa, maadaama uusan tartameynin maalinta beri ah.

Faroole ayaa lagu warramayaa inuu teegeerayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo xalay isbaheysi la galay reer Puntland, isaga oo u ballan-qaaday ra’iisul wasaare, haddii uu guuleysto.

Faroole ayaa la sheegay inuu ka horyimid dadaal uu ado Gaas oo la doonayo in xildhibaanada Puntland ay ku taageeraan Cumar Cabdirashiid.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in saacadaha soo socdo ay suuro gal tahay inay iscasilaan musharixiin kale oo u taagan xilka madaxweynaha kuwaasi oo buuxiya dhamaan sharuudihii laga doonayay.
Saacadihii ugu dambeeyay waxaa socdo kulamo kala duwan oo ka dhacaya magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya musharixiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka.

Waxaa muuqata kala jiidashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo musharixiinta ay sameynayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada