daajis.com:- Donald Trump kama jeedin doono wax khudbado ah Barlamaanka Britain hportiisa, marka uu booqashada ku yimaado UK sannadkaan guduhiisa, sidaasna waxaa ku dhawaaqay John Bercow, guddoomiyaha Barlamanka.
Guddoomiyaha ayaa si aad ah u muujiyay diidmadiisa, mar uu maanta ka hadlayay kulan shaqo-maalmeedkii caadiga ahaa oo Xildhibaanka Labourka, Stephen Doughty ku weydiiyay su’aal la xiriirta mooshinkii 163da xubnood uga codsanayeen Guddoomiyaha in uusan bixin ruqsaddaas.
Wuxuuna jawaabay: “ Ma ahan xuquuq toos ah ee waa sharaf iyo karaamo la mutaysto. Ka hor amarkii Madaxweynaha ee joojinta soo-galootiga waa an ka soo horjeeday in uu ka hadlo Westminster.
Amarkiisii joojinta soo-galootiga ka dibna, si aad ah ayaanba uga soo horjeedaa in Madaxweynuhu khudbad ka jeediyo Barlamaanka Boqortooyada hortiisa”.
Casuumaadda ka hadalka Barlamaanka hortiisa waa “Protocol” ay heshiis ku nqodaan Maamulayaasha Barlamaanka qaybihiisa kala gedisan, sida House of Commons, House of Lords iyo Lord Great Chamberlain isaguna wuxuu caddeeyay in uu dhankiisa ka soo horjeedo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:03 and have
