daajis.com:- Waxaa dhowaan magaalada Muqdisho Caleemo saarka Madaxwaynaha Soomaaliya uga qayb galay Hogaamiyaha Maamulka Ahlu-Sunah Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir, Wuxuuna Kulan la qaatay waxgarad iyo Siyaasiiin kasoo jeeda Gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Dhinaca kale wuxuu Kulan la qaatay Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C.laahi Farmaajo oo Casuumad uu ka helay, Iyadoona ay siwayn uga hadleen sidii loo midayn lahaa Ahlusunah iyo Galmudug.
Hadaba Sheekh Maxamed Shaakir ayaa wuxuu ku dhowaaqay inay diyaar u yihiin in Gobolada dhexe la Mideeyo oo Meel loo Wada Jeediyo.
“Laba Meelood Dawladii hore ayaa u kala Jeedisay, Waxaanu Rajaynaynaa in Hada Hal Meel loo Wada Jeesan doono, Inta kale ee Arintaasi Nala Qusayso waxaanu ka filaynaa inay nala Qaataan, Sidoo kalana Dawlada Cusub ee Soomaaliya ayaanu ka sugaynaa inay Nagala Shaqayso, Waxaanu Doonaynaa inaan Midayno Dhamaan Ciidanka, Si ay Dalkooda Cadowgooda uga Sifeeyaan” Ayuu yidhi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:53 and have
, Published at