DAAWO:Dhacdo layaab leh: Xildhibaan BF oo lagu khalday General Gabre iyo Sababta oo la Ogaaday.

DAAWO:Dhacdo layaab leh: Xildhibaan BF oo lagu khalday General Gabre iyo Sababta oo la Ogaaday.

daajis.com:- Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac oo la dhashay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed, General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa waxay dad badani muuqaalkiisa ku khaldeen General Gabre, oo ah Sarkaal Itoobiyan ah, kuna sugan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac oo xubin ka ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa 10-kii bishii November ku soo baxay doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado.



Barraha bulshada, ayaa waxaa lagu baahiyay sawirrada Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac, iyadoona la leeyahay waa General Gabre. Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa laba boqol iyo labaatan Xildhibaan, oo gelinkii dambe ee Talaadadii Hotel SYL kula kulmay musharax madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.



Dadka qaarkii oo arrintan aan ka fiirsan, ayaa ku deg degay in su’aalo ay ka keenaan sida General Gabre uu awood ugu yeeshay in uu soo dhex galo Xildhibaanadii Qaranka Somaliyeed.



Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac, ayaa si adag uga hadlay in sawirradiisa lagu tilmaamo General Gabre, iyadoo uu sheegay in ujeedo laga leeyahay arrintan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada