daajis.com:- Waxaa caawa xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir laga maqlayay dhawaqa weeraro Hoobiyeyaal ah, sida ay warmaahinta u sheegeen Dadka Degaanadaasi ku nool.
Degmooyinka ay caawa hoobiyeyaashu ay ku soo dhaceen ayaa waxaa ka mid ahaa degmeda Waaberi, Xamar jajab, Xamar weyne iyo Warta-nabadda.
Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka ku nool goobaha la weeraray.
Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarada madaafiicdaasi, waxaanan ilaa iyo hadda la ogeyn goobta laga soo tuuray.
Ciidamada ammaanka ee Degmada Waaberi ayaa howlgal ay fuliyeen ku soo qabtay tiro dhalinyaro ah, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay wadeen falalka amni darada ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have
