Musharaxiinta C/qaadir Cosoble iyo Cadoow Cali Geeseey oo lagu wado in ay ka tanaasulaan tartanka Madaxtinimo

Musharaxiinta C/qaadir Cosoble iyo Cadoow Cali Geeseey oo lagu wado in ay ka tanaasulaan tartanka Madaxtinimo

daajis.com:-Iyadoo ay soo baxayeen warar ku aadan ku dhawaad 7 Musharax in ay ka tanaasulaan hankooda ku aadan qabashada xilka Madaxtinimo ee Dalka ayaa warar hoose oo ay heshay Idaacadda Shabelle waxey xaqiijinayaan in Musharaxiinta qaadi doona dhabahaasi ay noqonayaan Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble iyo sidoo kale Cadoow Cali Geeseey, kuwaasi oo haatan ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble lagu wado in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo in uu tanaasulay maadaama sida la tilmaamay uu la kulmay cadaadis xoogan.

Sidoo kale, Musharax Cadoow Cali Geeseey oo isna u taagnaa qabashada Xilka Madaxtinimo ayaa isna ku dhow in uu ka tanaasulo xilkaasi, waxaana Siyaasiyiinta qaarkood ay sheegayaan intaasi ay hordhac u tahay ku dhawaad 7 musharax oo la filayo in ay ka tanaasulaan tartanka Madaxtinimo ee Dalka.

Siyaasi ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka, aadna ula socda howlaha doorashooyinka, oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Cadoow Cali Geeseey uu noqon doono qofka ugu horeeya oo saacadaha soo aadan ka tanaasula xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, C/qaadir Cosoble oo ah musharax Madaxweyne ayaa lagu wadaa isna in saacadaha soo aadan uu ka tanaasulo tartanka Madaxweyne oo doorashadiisa la filayo in la qabto maalinta barrito ah.
Musharax C/qaadir Cosoble ayaa lagu eedeynayaa Dadka dhibaatooyinka u horseeday Soomaaliya, waxaana C/qaadir Cosoble uusan kalsooni badan ka heysan Shacabka, sida uu qirayo Danjire Owliya oo Safiir horey uga soo ahaa, Dalka Senegal.

Sikastaba, maanta ayaa Musharax Madaweyne C/raxmaan Faroole waxuu ku dhawaaqay in uu isaga tanaasulay u tartanka xilka Madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada