daajis.com:- Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka Kenya Faarax Macallin ayaa sheegay in dalalka Khaliijka ay dagaal kula jiraan Soomaaliya, oo ay xasiloonideeda u arkaan inay halis dhaqaale ku tahay ayaga.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Faarax Macallin ku sheegay in Soomaaliya uu haysto habaar dhanka kheyraadka ah, ayada oo ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, iyo keydka kalleun iyo shidaal ee ugu weyn.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dekedo xor ah oo Soomaaliya ay yeelato ay halis ku yihiin Dubai.
“Haddii Soomaaliya ay horumariso dekedo xor ah oo laga sameeyo xeebaha Bari, waxa ay [ganacsiga] kala wareegi doonaan Dubai, sababta oo ah kanaalka Sues. Qaar ka mid ah dalalka kahliijka ayaa ka mas’uul ah argagxiisada Soomaaliya”
“Sidoo kale qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika, ayaa qeyb ka ah xasilooni darrada Soomaaliya, ayaga oo matalaya Reer Galbeedka. Al-Shabaab waxay ka dhalatay labadaas oo la isku daray”
Dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka, Qadar iyo Sacuudiga ayaa sanadihii dhowaa si toos ah ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at