Haweeney loo haysto dilka Kim Jong-un oo sheegtay in ay jilaysay filim maad ama qosol ah

Haweeney loo haysto dilka Kim Jong-un oo sheegtay in ay jilaysay filim maad ama qosol ah

daajis.com:- Haweeney Indonisian ah oo loo haysto dilka nin ay walaalo ahaayeen hogaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa sheegtay in ay ka ahayd jilid barnaamij maad ama qosol ah oo loo sameynayo TV markii ay ku buufisay Kim walxo dareere sun ah xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Jakarta.

Taliyaha Booliska dalka Indonisia ayaa sheegay in mid ka mid ah saddexda ruux ee loo xirey dilka Kim  Siti Aisyah ay sheegtay in lagu siiyay lacag aan badnayn inay wax ka jisho barmaamij taleefishineed qosol ama maad ah.

Tito Karnavian taliyaha ugu sareeya ciidamada Booliska dalka Indonesia ayaa sheegay in labada haween ee la hayo ay sidan oo kale rag wajiga ugaga shubeen walxo dareere ah balse kuwaas aysan ahayn sun dhibaato geysan karta.

“Labada haween ayaa dadka u sheegayay inay xiraan indhahooda kadibna waxa ay indhaha ugaga buufinayeen biyo.”ayuu yiri taliyaha.

“Arrintan waxaa ay hore u sameeyeen saddex illaa afar jeer waxaana la siinayay lacag aan badnayn, balse markii ugu dambeysay ee lagu buufiyay indhaha Kim Jong-un ma ahayn biyo balse waxay ahayd waxyaalo halis ah,” ayuu saxafiyiinta u sheegay taliyaha ciidamada Booliska Indonisia Mr Karnavian.

Qoyska Ms Aisyah iyo dadkii jaarka kala ahaa dalka Indonisia ayaa sheegay inay ka naxeen xarigeeda iyo eedeynta loo soo jeediyay gabadhaas. Aisyah ayaa u soo guurtay dalka Malaysia sanadkii 2011 kadib markii ganacsi ay ku jirtey ee dharka ahaa uu baaba’ay waxayna shaqo u soo aaday dalka Malaysia.

Kumanaan ruux oo u dhashay dalka Indonisia ayaa shaqo u soo doonta wadanka Malaysia halkaas oo ay ka helaan shaqooyin uu daqli badan ka soo galo.

Dowlada Waqoyiga Kuuriya ayaa ka dalabtay Malaysia inay ku soo wareejiso meydka Kim Jong-nam, hase yeeshee dowlada Malaysia ayaa dooneysa in Waqoyiga Kuuriya marka hore ay u soo gudbiso natiijada dheecaanka loo yaqaan DNA si ay u xaqiijiso meydka ay hayso inuu yahay Kim.

Kim Jong-nam ayaa ahaa wiilka ugu weynaa carruurta uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Kuuriya balse waxa dhashay xaaskii ugu horeeyey ee hogaamiyihii hore ee Waqoyiga Kuuriya.

Balse intii uusan dhiman aabihii ayaa waxaa uu sheegay inuusan wiilka curadkiisa ah u qalmin inuu jagada ka dhaxlo sidaa darted ayaa waxaa hogaanka qabtay Madaxweynaha haatan talada dalka Waqoyiga Kuuriya haya.

Kim Jong-un ayaa tan iyo xilligaas waxa uu ku noolaa dalka Shiinaha iyadoo dowlada Shiinaha ay ilaalin jirtey ammaankiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada