Maraykanka iyo Japan oo Digniin Kama Danbeys ah Siiyay Kuuriyada Waqooyi (VIDEO)

Maraykanka iyo Japan oo Digniin Kama Danbeys ah Siiyay Kuuriyada Waqooyi (VIDEO)

daajis.com:- Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inuu Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un si toos ah u hagayey Tijaabinta Gantaalkaasi oo noociisu ahaa PUKGU-SONG 2, kaasi oo awood u leh inuu qaadi karo madaxyadda hubka Nukliyeerka.

Dowladda waxa kale oo ay sheegtay in Gantaalkaasi loo tuuray xaga sare, iyadoo laga fekerayo Ammaanka dalalka deriska la ah Waqooyiga Kuuriya.



Dhinaca kale Sarkaal u hadlay Milliteriga dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Gantaalkaasi ku dhacay meel ka baxsan Gacan-biyoodka u dhaxeeya Kuuryada waqooyi iyo dalka Japan.

Tijaabadaasi ayaa ah tii ugu horreysay ee ay Waqooyiga Kuurya tijaabiyaan, tan iyo markii la doortay Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump.

Dhinaca kale, tijaabadani ayay kuuriyada Waqoyi ku soo beegtay, iyadoo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan uu ku sugan yahay dalka Maraykanaka, si uu ugala xaajoodo dhinacyada amaanka, Ganacsiga, xaalada Kuuriyada Waqooyi.

Dalka Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa Golaha Ammaanka ee QM ka codsaday inay galabta isugu yimaadaan Kulan Degdeg ah oo looga tashan doono Tijaabinta Waqooyiga-Kuurya ee Gantaalka meelaha fog wax ka gumaada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada