Madaxweynaha Jubaland oo Maanta la Kulmay Micheal Keating (VIDEO)

Madaxweynaha Jubaland oo Maanta la Kulmay Micheal Keating (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Safarkii danjira ayaa waxaa ku wehelinayay Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Francisco Madeira.



Soo dhawayn kadib, ayaa Madaxweynaha iyo Danjiraha Qaramada Midoobay waxa ay ka wada hadleen Xaalada uu dalka Soomaaliya marayo, gaar ahaan Abaaraha iyo Amniga iyo sidii Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah ay tageero ula garab istaagi lahayeen Dowlada Cusub ee Soomaaliya.

Inta uu kulanku socday Danjire Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh isagoo ku booriyay in uu sii wado dadaalkiisa la xiriira Dhismaha Ciidamada iyo Xasilinta Deganada Jubbaland oo uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ku garab taagan tahay.



Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay gacanta ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed isagoo ka codsaday in lala shaqeeyo Dowlada Cusub si ay dalka uga saarto marxalada uu hada ku jiro oo uu xusay inay yihiin kuwo adag.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada