Daawo: Faysal Waraabe oo si yaab leh uga hadlay FARMAAJO, Shirkii Jabuuti ee Khaatumo iyo Arinta Berbera

Daawo: Faysal Waraabe oo si yaab leh uga hadlay FARMAAJO, Shirkii Jabuuti ee Khaatumo iyo Arinta Berbera

daajis.com:- Faysal Cali waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ugu Horayn wuxuu si kooban uga hadlay Wadahadalkii Xubno ka socday  Khaatumo ay ku yeesheen Jabuuti, Wuxuuna xusay inay Dad fiican u tageen oo Nabada Jecel, islamarkaana ay daacad tahay Heshiiska ay Gelayaan.

Dhinaca kale waxaa wax laga Waydiiyey Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C.laahi Farmaajo, Wuxuuna sheegay inay Isha ku hayn doonaan Hadalka kasoo baxa Farmaajo,  Sidii Xasan sheekh Hadii uu Qadhaadh Noola Yimaado, Qadhaadh ayaanu Tusaynaa.

Wuxuuna ugu Hanjabay inay Cashar ugu Dhigi doonaan Muqdisho.  “Maanta cid naga Xoog badan ma Jirto, Muqdisho Farmaajo waa ku Marti, Aniga ayaa kaga Wadanisan, Ma Joogi doono, waanu iska Celin doonaa, Hadii uu ka hadlo Midnimo Soomaaliyeed, Cashar (Lesson) ayaanu Bari doonaa”.

Ugu danbayntii wuxuu ka hadlay Saldhiga Imaaraadka laga siinayo Berbera, Isagoona taageeray Go’aankaasi iyo Sidii loo garaacay Xildhibaanadii ka horyimid.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada