Ninkii Weerarka ka Gaystay Madxafka Dalka Faransiiska oo Sawirkiisa la soo Bandhigasy (VIDEO)

Ninkii Weerarka ka Gaystay Madxafka Dalka Faransiiska oo Sawirkiisa la soo Bandhigasy (VIDEO)

daajis.com:- Ciidamada booliiska ee dalka Faransiiska ayaa baaritaan dheer kadib, waxa ay soo bandhigeen Sawirka iyo magaca iyo dalka uu kasoo jeedo ninkii ka dambeeyay weerarkii shalay lagu qaaday Madxafka kuyaala magaalada Paris.

Ninkan weerarka geestay oo watay Baangad ayaa isaga oo ku qeylinayay Ereyada “Allaha akbar”,”Allaha akbar”, waxa uu weerarka ku beegsaday askari booliis ah oo ilaalo ka hayay Madxafka Louvre, waxaana markii danbe goobtaasi lagu toogtay ninkii weerarka soo qaaday.

Warbaahinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in Weerarka uu ka dambeeyay Abdallah El Hamahmy oo ah 29-sano jir, u dhashay dalka Masar, ninkan ayaana 26-kii bishii tagtay ee Janaayo ku tagay magaalada Paris isaga oo dalxiise iska dhigayay.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale baaris ku sameeyay boorso uu ninkan dhabarka ku watay oo loo maleenayay in waxyaabaha qarxa ku jiraan, hasa ahaatee baaritaan kadib ayaa laga waayay boorsadaasi waxyaabaha qarxa.

Ninkan ayaa la sheegayaa inuu dalka faransiiska ka soo galay dhanka magaalada Dubai, isagoo sitay fiise ay isticmaalaan dadka dalxiisayaasha ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada