Sababta Dhabta ah Ee Ku Bur Buray Guurkii Akhil Akkineni Iyo Shriya Bhupal Oo La Ogaaday

Sababta Dhabta ah Ee Ku Bur Buray Guurkii Akhil Akkineni Iyo Shriya Bhupal Oo La Ogaaday

daajis.com:- Waxaan idinla wadaagnay hadal xoogan oo ka taagan Koonfur Hindiya taasi oo ah atooraha reer Telugu ee dhalinta yar Akhil Akkineni guurkiisa inuu bur buray sidoo kalena calfan waayay gabadha u doorneyn Shriya Bhupal.

Hadaba waxaa shaaca laga qaaday haatan sababta rasmiga ah ee ka dambeesay in labadaan lamaane lagu waday arooskooda dalka Talyaaniga inuu ka dhac dhaco kala tagaan wax walbana ay bur buriyaan xiriir ahaan.

Waxaa la sheegay Akhil Akkineni iyo gabadha Fashion-ka diyaariso Shriya Bupal inay mudo labo sano saaxiibo ahaayeen balse bilihii ugu dambeeyay xiriirkooda mugdi galay madama ay arimo badan isku qabteen.

Waxaa ugu weynaa qilaafkooda inay isku fahmi waayeen joogteenta xiriirkooda madaama Akhil Akkineni uu ku mashquulay sameynta filimo kala duwan halka Shriya Bhupal iyadana hawl laheeda Fashion-ka waqtigeeda dhan siisay.

Waxaa kaloo la isku fahmi waayay habka ay labadaan lamaane u wada noolaan doonaan marka ay is guursadaan oo ay guri wada dagaan waxaana la sheegay in Shriya Bhupal dareentay shaqadeeda iyo xirfadeeda lumi doonto mar hadii ay Akhil Akkineni marwadiisa xili hore noqoto.

Akhil Akkineni isagana wuxuu u arkay in xiligaan aysan wanaagsaneyd ku deg degida guur madaama uu weli dhalin yar yahay sidoo kalena rabo fanka Telugu (Tollywood) inuu heer sare ka gaaro.

Hadaba Akhil Akkineni iyo Shriya Bhupal ayagoo la tashanin labadooda qoys ayay shaaca ka qaadeen inay wax walbo isku fahmi waayeen sidoo kalena gabi ahaanba bur buriyeen arooskoodii lagu balansanaa inuu bisha May dalka Talyaaniga ka dhaco!

Super Star Nagarjuna siweyn ayuu kaga niyad jabay go’aanka uu qaatay wiilkiisa Akhil Akkineni waayo in ka badan 700-qof oo marti ah ayuu arooska wiilkiisa ku casuumay hadana waxay ku noqotay waji gabax inuu qof walbo u sheego in arooskii uu bur buray sabab uusan isaga war u heynin awgeed.

Hadaba Akhil Akkineni wuxuu sii wadan doonaa shaqadiisa Tollywood waxaana u diyaarsan Director Vikram Kumar filimkiisa xiga oo dhawaan la daawan doono.
Sidoo kale Shriya Bhupal iyadana shaqadeeda diyaarinta labiska dadka caanka ah ayay sii wadan doontaa waxayna leedahay shirkad lagu magacaabo Shriya Som oo labiska u diyaariso qaar ka mid ah atirishooyinka Hindiya ugu caansan sida Alia Bhatt, Shraddha Kapoor, Hansika Motwani, Rakul iyo atirishooyin kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada