daajis.com:- Quruxleyda Koonfur Hindiya beryahaan awooda ku heesato Rakul Preet Singh waxay nasiib u yeelatay labadeeda filim ee soo socdo inay jaceyl kula wadaagto labada atoore ee walaalaha ah Super Star Suriya iyo walaalkiis Karthi.
Rakul Preet Singh waxay dhawaan dhameestirtay duubista filimka Action-ka ah oo ay la jileyso Suldaan Mahesh Babu sidoo kalena AR Murugadoss Director ka ah.
Rakul Preet Singh wax nasiino ah ma qaadanin waxayna haatan saxiixatay Super Star Suriya filimkiisa 36-aad ee lagu magacaabo Selvaraghavan inay atirisho kowaad ka noqoto.
Filimka Selvaraghavan dhawaan ayaa duubis lagu bilaabi doonaa waxaana lagu duubi doonaa magaalooyinka kala ah Chennai, Mumbai, Hyderabad iyo meelo ka baxsan Hindiya waan filim Action lacago qaali ah lagu sameyn doono.
Rakul Preet Singh sidoo kale waxay filim kale oo cusub la sameeneysaa Suriya walaalkiis ee lagu magacaabo Karthi waxaana filimkaan la dhahaa Dheeran Athigaram Ondru oo uu Karthi ku jilaayo askari mayal adag halka xidigtaan jaceylkiisa ku jili doonto.

Rakul Preet Singh waxay iska bar bareesay atirishada Nayanthara oo horey fursad u heshay inay labada walaalaha ah Suriya iyo Karthi shaashadaha jaceyl kula matasho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at