General Xaamud; ”Hadalka sidaan u iri iyo sida loo fasirtey iskumid ma ahan”

General Xaamud; ”Hadalka sidaan u iri iyo sida loo fasirtey iskumid ma ahan”

daajis.com:- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in si qalad ah loo fasirey taageero uu u muujiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

General Xaamud ayaa munaasabad la qabtay bishii December ee sanadkii hore waxa uu ka sheegay in saddex Xildhibaan oo Booliska Soomaaliya ka tirsanaa codadkooda ay siinayan.

“War ka sidaan u dhahay iyo sida loo fasirey isku mid ma ahan, waxaan hadalkaas sheegay anigoo faraxsan mana ahayn goob olole lagu qabanayay balse waxa ay halka aan ka sheegay warkaas mid lagu soo bandhigayay waxqabadka ciidamada booliska.”

Taliye Xaamud ayaa hadda sheegaya in markii uu hadalkaas ku dhawaaqayay uu faraxsanaa islamarkaana  uu ka dhacay hadal qadaf ah sida uu yiri hadana uu raali gelin ka bixinayo.

Si kasta ha ahaatee waxaa jirey xildhibaano badanoo iyaguna taageero u muujiyay Madaxweynihii loogaga guuleystey doorashada dalka ka dhacday horaantii bishan magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada