Madaxweyne Farmaajo oo Maanta la Kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga (SAWIRRO)

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta la Kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga (SAWIRRO)

daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Boqorka dalka Sacuudiga, Boqorka Salmaan Bin C/casiis iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo ay maanta qaateen kulan Rasmi ah. oo ka dhacay qasriga Al-yamaamah.

Kulankani ayaa waxaa la soo sheegayaa in looga hadlay Iskaashiga u dhaxeeya Labada dal iyo Dhacdooyinka Gobalka.



Wafdiga dalka Sacuudiga ee ka qeyb galay Shirkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Dhaxal-sugaha Boqortooyadda, Amiiro, Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Dibedda, Maaliyadda, Warfaafinta, Awqaafta iyo madaxda Borotoolka Boqortooyadda.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Kulankaasi ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga, C/salaam Hadliye, La-taliyayaasha Madaxweyne Farmaajo, sida Fahad Yaasiin, C/risaaq Axmed, Agaasimaha Madaxtooyadda, Taabid Cabdi Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geele.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada