Safiirka Maraykanka oo Madaxwayne Farmaajo gudoonsiiyey Hadyad Cajiiba

Safiirka Maraykanka oo Madaxwayne Farmaajo gudoonsiiyey Hadyad Cajiiba

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Stephen Schwartz iyaga oo ka wada hadlay taageerada dowladda Mareeykanka ee dhinacyada amniga, mushaaraadka ciidamada iyo gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Danjire Schwartz kaalinta dowladda Mareykanka ay ka ciyaareyso xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday in ay sii kordhiyaan taageeradooda si dalka loogu soo dabbaalo nabad waarta iyo nolol wanaagsan.

Danjire Schwartz ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo guushii uu ka gaaray doorashadii 8da Febraayo, waxa uuna sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay

Gebagabadii kulanka, Danjire Stephan Scharwartz ayaa guddoonsiiyay Maaxweyne Farmaajo koofiyad ka kooban labada midab ee calanka Soomaaliya ee buluuga iyo caddaanka ah oo lagu xardhay ‘Soomaaliya mar kale ka dhig dal magac leh’.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada