Video: Dabkii ugu Xooganaaa oo dhulka la simay qaybo kamid ah Bakaaraha iyo dadka oo naftooda la baxsaday

Video: Dabkii ugu Xooganaaa oo dhulka la simay qaybo kamid ah Bakaaraha iyo dadka oo naftooda la baxsaday

daajis.com:- Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybo ka mid ah suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdish, iyadoo dabkan uu baabi’iyay ganacsi dhowr ah oo ku yaalla halka uu ka kacay.

Gaadiidka dab damiska ee Gobolka Banaadir iyo dab damisyo kale ayaa ku howlan daminta dabkan oo aan wali lagu guuleysan, waxaana dabka uu socday in ka badan Laba Saacadood.

Uuro iyo qiic is qabsaday ayaa hawada isku shareeray, kaasoo laga arkayo magaalada oo dhan, waxaana suuqa uu ku jira xaalad jahwareer ah.


Ciidamada ammaanka ayaa la geeyay Suuqa, sidoo kale ganacsato iyo dadweyne kale ayaa ku qul qulaya suuqa, si ay uga qeyb qaataan howlaha loogu gurmanayo daminta dabka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada