WARBIXIN: Kadib Guushii Farmaajo, Jeneraal Gabre oo helay meel uu kaga baxsado magaalada Muqdisho

WARBIXIN: Kadib Guushii Farmaajo, Jeneraal Gabre oo helay meel uu kaga baxsado magaalada Muqdisho

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya waxaa loo doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib doorasho taariikhi aheyd oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dowlada Itoobiya ayaa fara gelin weyn ku laheyd doorashadan, hase ahaatee ugu danbeyn waxaa ay ku guul dareysteen in musharaxii ay wateen uu ku guul dareystay doorashadaas.

Waxaa doorashadii ka socotay Muqdisho ku sugnaa sargaalka Jeneraal Gabre oo ah wakiil ay dowlada Itoobiya usoo dirtay Soomaaliya.

Wararka ay xili hore saxaafada baahisay ayaa sheegayay in Gabre uu haatan ka bixi doono gudaha Soomaaliya, hase ahaatee warar kuwaas ka duwan ayaa caawa ina soo gaaraya.



Ilo Wareedyo kamid ah barlamaanka Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay in Gabre uu sii joogi doono Soomaaliya, laakiin uu badali doono shaqadii uu ka hayay madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Genaral Gabre uu ka badalan doono magaalada Muqdisho isago tagi doona midkood magaalada Baydhabo ama magaalada Kismaayo.

Sababta uu labadaas magaalo utagayo ayaa ah in ciidamo dalkiisa Itoobiya ka socda ay ku sugan yihiin magaalooyinkaas uuna kor kala socon doono xaalada ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo siyaasada kale ee ay dowladiisu ka leedahay Soomaaliya.

Si kastaba, lama oga hadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ogolaan doono in wali Genaraal Gabre uu galaan gal kusii lahaado gudaha Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada