Labo Shaqsi Oo Sabab Weyn u Noqdeen Guushii madaxweyne Farmaajo (Waa Kuwee)

Labo Shaqsi Oo Sabab Weyn u Noqdeen Guushii madaxweyne Farmaajo (Waa Kuwee)

daajis.com:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maalintii shalay ahayd ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana taasi ay keentay in shacab badan farxo.

Hadaba su’aasha meesha taallay ayaa ahayd yaa sabab u ahaa inuu Farmaaj guuleysto, sideesa ahaayeen xildhibaannada markii hore ee ay howlka doorashada soo galayeen.

Xildhibaannada iyaga markii hore musharraxiin kale ayeey kala taageersanaayeen, waxaana musharrax walbo uu haystay codad ku filan balse Labo shaqsi ayaa howsha dhan bedalay inta aaney doorashada bilaaban.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa khudbad ku furay kulankii doorashada, waxaana uu  u sheegay in dadkaan maalinta qiyaamo xisaab sugeyso, islamarkaana ay eegaan halka ay danta ku jirto (Farmaajo)

Waxa uu Sheekha u sheegay in xildhibaannada lagula xisaabtami doono haddii ay soo doortaan cid aan bulshada wax u qaban karin, ama cid ah daneysato.
Shaqsiga Labaad ayaa ahaa musharrax Sakariye Xaaji Maxamuud oo xildhibaannada ugu baaqay iney doortaan Farmaajo si dadban, ayna ka leexdaan Xasan Sheekh.

Sakariye wuxuu yiri “Kheyrka Allaha na waafajiyo, maanta isha ii muuqata xildhibaanno, waxaad dooran doontaan shaqsi dalkaan wax badan u qaban doona” bal eeg waa fariin ah isbedalka hala tijaabiyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada