daajis.com:- Laga soo bilaabo 1991 ilaa iyo maanta Soomaaliya waxa ka jira dhibaato dhinaca lacagta ah taas oo ugu wacan Burburkii Dowladdi Dhexe taas oo keentay in Shilling Soomaaliga uu Qiimo beelo.
Maanta oo ay Soomaaliya yeelatey Dowlad Cusub ayaan waxaan talo ahaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu soo jeedin laha talo muhiim ah oo ku saabsan in lacagta Soomaaliga laga bedelo magaca ay hadda ay leedahay oo ah (SOMALI SHILLING) waxaana Codsanaya in lacag cusub wadanka la keeno isla markaana lacagta magaceeda uu noqdo ( SOMALI DINAR), Sababta aan magaca Dinar aan u qaatey waxay tahay sidan:
Soomaaliya Waa Dal Islaam ah Dadkiisuna yihiin 100% Muslim ah, sidoo kale Soomaliya waxay Xubin buuxda ka tahay Jaamacadda carabta, mise ogtahay Dalalka isticmaala Magaca lacagta Dinar kuwa ay yihiin Magacyadooda waa: KUWAIT, BAHRAIN, LIBYA, JORDAN, IRAQ, ALGERIA, IYO TUNISIA, Dalalkaas waa dalal ka mid ah Jaamacada carabta isla markaana ah waa Dalal Islaam ah.
Ma ogtahay Dalaalka Isticmaalo lacagta SHILLING waxay kala yhiin: KENYA, UGANDA, IYO TANZANIA.
SOMALI DINAR: waa lacagta cusub ee mustaqbalka aan u rajeynayo in ay Soomaliya yeelato Haddii Allah yirahdo, waxayna noqon doonta lacag qiimo leh waxayna ka koobnaan doonta: NUS DINAR, 1 DINAR, 5 DINAR, 10 DINAR, 20 DINAR, 50 DINAR iyo 100 DINAR, waxaana ugu tala galay in bedelka lacaga ay noqoto : Kun Shillin ee Soomali ah in lugu bedelo Hal Dinar Soomaali, sidoo kale 100 Kun shillin Soomaali in lugu bedelo: 100 Dinar Soomaali.
Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed waxan ka rajeeynaya in ay taladeyda ay Qaadan doonto oo ay sameeyn doonto lacag Cusub oo la yirahdo SOMALI DINAR Haddi ALLAH yirahdo.
Fiiro gaar ah: Qoraalkaan waa talo soo jeedin teyda ee ha iga Xanaaqin
Mahad Sanadiin
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at