daajis.com:- Waxaa dalka Soomaaliya weli ka socda Dabaal-degyada Shacabka Soomaaliyeed kusoo dhowaynayaan Madaxwaynaha Cusub ee Dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye ee Duleedka magaalada Muqdisho ayaa Dhigay Banaanbaxyo ay Dareenkooda ay ku Muujinayaan waxayna u direen Codsiyo kala duwan.
Sidoo kale Dabaaldega ayaa waxaa ka qayb gelayey Ciidamada Qalabaka Sida ee Dawlada Soomaaliya.
Magaalada Caabudwaaq ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay Banaanbax Bulshadu ay muujinayeen Dareenkooda Doorashada.
Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa iyaguna Sameeyay Banaanbax Balaadhan oo lagu soo dhowaynayo Madaxwaynaha Soomaaliya.
Sidoo kale magaalada Muqdisho Iyo Qaybo badan oo kamid ah Gobolada Dalka Ayaa waxaa Weli ka socda Banaanbaxa Lagu soo dhowaynayo Doorashada Madaxwayne Farmaajo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at