Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo dalab hordhigay musharaxiintii uu ka guuleystay

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo dalab hordhigay musharaxiintii uu ka guuleystay

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa kulan la qaatay Musharaxiintii kula loolameysay Doorashada.

Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa Musharaxiinta ka dalbaday inay kala shaqeeyaan howlaha Qaranka, waxa uuna usoo jeediyay inay ka gudbaan guul daridii ay kala kulmeen doorashada.

Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, waxa uu Musharaxiintaasi laga guuleystay u sheegay in guushiisa ay ka dhigan tahay Shacabka Soomaaliyeed oo guul gaaray, waxa uuna u sheegay inuu jecleysan lahaa inay kala shaqeeyan howlaha Qaranka.

Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, waxa uu sidoo kale, Musharaxiinta laga itaal roonaaday ka dalbaday inay fikrad ka dhiibtaan Ra’sul wasaaraha uu soo magacaabi doono 30 maalmood ee soo socota.

Waxaa la filayaa inuu ka yimaado Ra’isul wasaaraha musharixiinta mid ka mid ah madaama ay dadaal dheer soo wada galeen.

Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa Ra’isul wasaaraha kasoo dhex xuli doona Musharaxiinta, waxa ayna diirada u saaran tahay Seddex Musharax midkood, iyadoo haddii ay u saamixi weyso kasoo dhex xulan doona Baarlamaanka Somalia.

Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa waxaa laga sugayaa muddo 30 cisho gudahood ah inuu ku soo magacaabo Wasiirka koobaad ee xukuumadda cusub oo isha lagu wada haayo cidda uu u xulan doono.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada