Muuqaal: OOTO BIIXI “Itoobiya Saylac hala Siiyo, Farmaajo ha qaato Hargeisa, C.wali Gaasna Sool iyo Sanaag

Muuqaal: OOTO BIIXI “Itoobiya Saylac hala Siiyo, Farmaajo ha qaato Hargeisa, C.wali Gaasna Sool iyo Sanaag

daajis.com:- Ooto Biixi oo kamid ahaa Jabhadii SNM ee ka dagaalantay Waqooyiga Soomaaliya oo Maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa  ka Hadlay Go’aanka maamulka Somaliland uu Dawlada Imaaraadka ugu Wareejiyey Dekeda Berbera, Hadana ku doonayo inuu saldhig ciidan ku Siiyo.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayuu ugu Baaqay inuu Qaato Gobolada Sool iyo Sanaag, Taasi Bedelkeedana uu maamulka Somaliland Siiyo Xaqul-qalin (Lacag).

Sidoo kale wuxuu soo Jeediyey in Dawalada Itoobiya iyadana lagu Wareejiyo Dekedda magaalada Saylac ee Taariikhiga ah, Isagoo sheegay inay iyadu uga Xaq leedahay imaaraadka.


Ugu Danbayntii Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C.laahi Farmaajo ayuu ugu Baaqay inuu Garto Sida loola dhaqmo maamulka Somaliland, oo uu Maro Wadada ay Mareen Dalalka Carabtu Islamarkaana uu Qaato Burco iyo Hargeisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada