daajis.com:- Madaxweynaha cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa marki ugu horeysay Ka hadlay arrimo kala duwan oo ay kujiraan qorshihiisa 100-ka maalmood ee soo socda iyo Raysal wasaaraha uu soo Magacaabi doono.
Wuxuu sheegay inay diirada Saari doonaan Cadaalada, iyo Amaanada Bulshada iyo Sidii dadka Soomaaliyeed ee Jilicsan loo gacan siin lahaa, Waxaa sidoo kale wax laga Khilaafka Madaxwayhaha iyo Raysal wasaaraha soo dhexgala Wuxuuna sheegay inaysan Jiri doonin Dan-shakhsi ah oo isagu uu leeyahay, Islamarkaana aan la isku Qaban danta guud.
Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay inuusan waxba ka badali doonin Go’aankii Horey looga Bartay markii uu Raysal wasaaraha ahaa, Kaasi oo uu ka qaatay Faragelinta Beesha Caalamka, Iyo Go’aankii kusoo Rogay Hay’adaha ka howl-gala Soomaaliya.
Sidoo kale Waraysiga ayuu ku sheegay inuu Maraykanka kala hadli doono Go’aanka Xiyaarada ah ee kusoo Rogeen dadka Soomaalida ah, Sidoo kale wuxuu Bulshada Soomaaliyeed ugu Baaqay in loo soo Wada-jeesto Shaqo iyo Dhismaha dalka oo loo shaqeeyo, Balse aan laga Shaqaysan, Waxaana Waraysiga la yeelatay Wariyaha VOA Falastiin Axmed Iimaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at