MUUQAAL Somaliland oo beenisay inay heshiis milateri la galeen IMAARAADKA iyo Wariye waydiiyey in itoobiya u Taliso

MUUQAAL Somaliland oo beenisay inay heshiis milateri la galeen IMAARAADKA iyo Wariye waydiiyey in itoobiya u Taliso

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa beeniyay in heshiis milateri ay la saxiixdeen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii dhowaan heshiis la saxiixdeen shirkadda DP World oo maamuli doonta Dekeda Berbera.

Sacad Cali Shire ayaa sheegay in arrinta Saldhiga Milateri aanay aheyn arrin qaran, balse ay tahay Arrin Gobolka oo dhan quseysa, isla markaana ay kala hadleen dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

“Illaa iyo hada wax heshiis saldhig Milateri oo aan saxiixnay, cid aan la gaarnay ma jirto, umad walba danteeda ka talisaa, arrinta saldhiga ma ahan arrin qaran kaliya, waa arrin gobol, dabcan Jabuuti iyo Itoobiya waa ka wada hadalnay, waa ku wargelinay”ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire.

Waxaa uu sheegay inay leeyihiin go’aanka cida ay heshiiska la saxiixanayaan, balse aanay marnaba ku talineyn wax lid ku ah danta iyo sumcadda Somaliland.


Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay inay kula kulmeen magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailmariam Desalagn, iyagoo ka wada hadlay xiriirka u dhaxeeya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada