daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay hoteelka uu degan yahay isagoo fariin udiray shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si deg deg ah uga laabtaan xaafadahooda oo ay joojiyaan isku soo baxyada ay ka dhigayaan magaalooyinka dalka. “Waad Mahadsan tihiin, waa ii dabaal degteen, xildhibaanadana waa idin maqleen”ayuu yiri Farmaajo oo la hadlayay shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka jira iyo sida loogu baahan yahay in gar gaar deg deg ah loo fidiyo dadkaas dhibtoonaya.
Sidoo kale madaxweynaha cusub ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allah ha unaxariistee Marxuum Cadde Muuse oo soo noqday madaxweynaha maamulka Puntland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at