MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Markii ugu Horaysay soo Booqday Villa Somalia iyo Waxa uu ku Arkay

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Markii ugu Horaysay soo Booqday Villa Somalia iyo Waxa uu ku Arkay

daajis.com:- Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqdey xarunta madaxtooyada, halkaasi oo uu ku soo dhoweeyey Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha cusub, ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh, waxa uu uga mahadceliyey boqoashadiisii ugu horreysay ee Madaxtooyada uu ku yimaado ka hor calaama-saarka Madaxweynaha.

Si guud ayey uga hadleen labada mas’uul marxaladihii adkaa ee uu dalka soo maray iyo horumarradii laga sameeyey dowladnimada afartii sanno ee uu xalka hayey Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay mahad u hayaan Mudane Xasan Sheekh.

Kulanaka ayaa waxaa kaloo ay ka wada hadleen qaban-qaaban munaasabadda Caleema-saarka iyo xiliga ay dhici doonto, waxaana Madaxweynaha la doortay uu u mahadceliyey maamulka madaxtooyada muddadii ay soo shaqeeyeen iyo waxyaabaha ay dalka u qabteen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada