Akhri Qoraal Xasaasi ah oo Dowladda Turkigu ay ku Sheegay in Qorsheheeda Soomaaliya uu yahay Kaliya..

Akhri Qoraal Xasaasi ah oo Dowladda Turkigu ay ku Sheegay in Qorsheheeda Soomaaliya uu yahay Kaliya..

daajis.com:-  Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Somalia, Ambassador Olgan Beker ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Idaacadda iyo TV-ga Turkiga (The Turkish Radio and Television Corporation) ee TRT World.



Waxa uu tilmaamay  inay Somalia iyo Turkiga muddo dheer saaxiibo ahaayeen, isla markaana uu sii xoogeysanayo Xiriirkooda, lana filayo in ay Dowladda Turkiga dhawaan Muqdisho ka furan Xero cusub oo lagu tababaro Ciiddanka.


“Ma aha Saldhig Milliteri sida kan ay Turkiga ku leeyihiin dalka Qatar” ayuu yiri Ambassador Olgan Beker oo la hadlay Tv-ga TRT World, wuxuuna intaasi ku daray inaysan sax ahayn qaabka ay Warbaahinadda uga hadleen Arrintaasi, kuna sheegeen inay Dowladda Turkiga Saldhig Milliteri ka dhisanayso magaalladda Muqdisho.



Mar wax laga weydiiyey hadafka Xeradda Tababarka Ciiddanka ee laga furayo Muqdisho waxa uu sheegay in lagu tababaro Ciiddanka DFS, isago osheegay inay Xeradaasi halkii mar qaadi karto 1,500 Askari iyo 200 oo Saraakiil Milliteri ah



Dhismaha Xerradaasi ayaa waxa la bilaabay bishii March ee sannadkii 2015-kii, wuxuuna ku fadhiyaa masaafo dhan 400 Hectares, oo ay ku dhex yaallaan 3 Dugsi ee Tababarka Milliteri, Hool weyn oo la seexdo iyo Bakhaaro lagu kaydiyo Qalabka Milliteriga.



Danjiraha waxa kale oo uu sheegay in 200 Saraakiil Turkish ah loo soo diri doono Somalia, si ay Tababarayaal uga noqdaan Xeradda Tababarka Milliteriga ee ay Turkiga bisha soo socoto ka furan doonaan Muqdisho.



Ambassador Olgan Beker waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inay Ciiddamo Turki horey u joogeen Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho, kuwaasi oo ilaalo u ah Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda.

 

Mar wax laga weydiiyey sababta ay Turkiga u taageerayaan Soomaalida, waxa uu sheegay inaysan Turkiga wax Siyaasad Isticmaar ka lahayn gudaha Somalia, balse uu hadafkoodda 1-aad yahay sidii ay u tababari lahaayeen Ciiddanka Soomaalida.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada