Baarlamaanka Somaliya oo Mooshin ka diyaarinaya Xiisada Ber-bera (Warbixin)

Baarlamaanka Somaliya oo Mooshin ka diyaarinaya Xiisada Ber-bera (Warbixin)

daajis.com:- Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa diyaarinaya mooshinkii ugu horeeyay tan iyo markii dhawaan ay doorteen madaxweynaha Soomaaliya.

Mooshinkaani ayaa ah mid ka dhan ah dhismaha dowladda Imaaraatka carabta dooneyso inay ku dhisato saldhig meletari oo ku yaala magaalada Berbera.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid gabo gabo ah dhawaanna loo gudbin doono guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa kulankii sabtida ee xildhibaanada baarlamaanka u diiday in xildhibaanada ay ka hadlaan arinta Berbera, maadama uusan kamid aheyn ajandayaasha baarlamaanka.
Wuxuuna ka hor jeediyay xildhibaanada in haddii ay doonayaan arintaasi inay diyaariyaan mooshin arintaasi la xiriirta oo lagu soo daro ajandayaasha shirarka baarlamaanka.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa, kaddib markii Imaaraadka Carabta u yeertay Safiirkii u joogay Somalia, sababo ku aadan muranka iyo cabashada dowladda Somalia ka keentay saldhiga Milateri.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada