daajis.com:-Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin ka dib markii ay sheegeen in aysan wax mushaar ah qaadan bilooyinkii lasoo dhaafay.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado Cumar Macalin ayaa sheegay in xabsiyada Magaalada Cadaado in ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan ayna baneeyeen ciidamada Booliska oo ilaalin jirin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Suggitaanka Amniga in ay joojiyeen ciidamada Booliska , islamarkaana Madaxda dowladda Soomaaliya ay dayaceen ciidamada booliska Magaalada Cadaado.
Waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay si deg deg ah ay u bixiyaan Mushaarka ciidamada Booliska Cadaado, Wuxuuna eedayn u jeediyey Taliyaha Ciidamada Booliska.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at