Daawo:- C.wali Gaas “Ma Dhacdo Qof Aan Dambi gelin in Saxiixayga lagu Dilo Iyo Wixii kala Qabsaday VOA ?

Daawo:- C.wali Gaas “Ma Dhacdo Qof Aan Dambi gelin in Saxiixayga lagu Dilo Iyo Wixii kala Qabsaday VOA ?

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland  C.weli Gaas ayaa markii u horraysay ka hadlay tacdiyo iyo jirdil la sheegay in lagu sameeyo dhalinyarada lagu eedeeyo inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab si ay u qirtaan dambiyadooda, Wuxuuna sheegay  inaysan  marnaba ka dhicin Puntland in Jirdil lagu sameeyo qof dambi galay ama lagu tuhunsan yahay, islamarkaana uusan weligii ogolaan doonin in tacdi lagu sameeyo qofna si uu qirto dambigiisa.


Wuxuu kaloo sheegay in mudaddii uu xilka hayay in dil lagu fuliyay labo qof oo kaliya oo ku eedaysnaa falal argagixisnimo, islamarkaana aad looga taxadaro in qof aan dambi lahayn lagu fuliyo dil.

Gaas  wuxuu ka hadlay halka ay ku dambeeyeen Dagaalyahanadii iyo dhalinyaradii Al-shabaab ee lagu soo qabtay dagaaladii Suuj, Garmaal iyo Garacad, wuxuu sheegay in qaarkood maxkamad la saaray oo la xukumay, qaarkood oo da’doodu yarayd lagu wareejiyay qaramada midoobay oo lagu dhaqan-celiyo xarunta Elman ee Magaaladda Muqdisho.

Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyey Cabudhinta Saxaafada iyo Siyaasiyiinta, Arimaha Amaanka iyo Xidhiidhka Dawlada dhexe iyo Puntland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada