Burcad Badeed Soomaali ah oo Markab Weyn ka soo Afduubtay Badweynta Hindiya

Burcad Badeed Soomaali ah oo Markab Weyn ka soo Afduubtay Badweynta Hindiya

daajis.com:- Madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya inay weli wadaan qiimaynta xaladda dhalisay afduubka markabkan iyo wararka la xariira.

Qaar kamid ah saraakiishan ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.

Waxaa xusid mudan in Howl-galada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya ayaa ahaayeen kuwa sii yaraanayay sanadihii la soo dhaafay.

Hadaba, Xaraare Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka kunool degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaro kalluumeysato ah markab ay soo afduubteen in ay keeneen Degmada Caluula.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhalinyaro ka badan 40 in ay Markabka dulsaaran yihiin, islamarkaana ay doonayaan in ay kula gorgortamaan Maamulka Puntland.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay saaka ku baxeen degmada Caluula, si ay u ogaadaan xaalada ka taagan degmedaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada