Daawo: Faysal Waraabe oo Weerar ku Qaaday Madaxwane Farmaajo, Xasan Sheekh, Reer Muqdisho iyo Puntland

Daawo: Faysal Waraabe oo Weerar ku Qaaday Madaxwane Farmaajo, Xasan Sheekh, Reer Muqdisho iyo Puntland

daajis.com:- Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Arimaha Dalka Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in la kala qaybiyey Soomaaliya oo laga dhigay Dawlad goboleedyo, wuxuuna sidoo kale Weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.


“Maanta Farmaajo ayaa wuxuu ka hadlayaa Somaliland, Sidee ayuu Dhulkayga uga talin Karaa Wiilka ku dhashay Gedo ama Gaalkacyo” Ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa Wuxuu sheegay in maagaalada Muqdisho ay ku Nool yihiin Coomaadeyaal (Bahalo) Kasoo Horjeeda Dawladnimada, Islamarkaana marka uu Koonfur Hagaajiyo ay la hadli doonaan  “Magaalada uu joogo Coomadayaal ayaa ku nool, Ganacsato ku Naaxday Dawlad la’aanta,  Waxaas ayaa horyaala,  Haduu Sidii Xasan sheekh Afka Nala soo Galo, Ciida ayaanu Afka u gelin doonaa “.
Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu Dafiray dagaaladii dhiiga badan ku daatay ee maamulka Somailand uu ku Qaaday Deegaanada Khaatumo “Ma jiro dagaal dhexmaray Khaatumo iyo S.land oo Dhiig ku Daatay, Meeshaa Buuhoodle ayaa mar Shil yar ka dhacay, Walay ka tahay, Waxaa is dilay Qayaad iyo Bahararsame, Cali gari iyo Reer kale iyo Samakaab Cali iyo Faarax Cali “.

Isagoo ka hadlaya Wadahadalka Maamulka khaatumo la furay ayuu sheegay “Cali Khaliif iyo Siilaanyo waa Saaxiib, Markii aan Xamar joognay waxay ahaayeen Laba nin oo isku dhow, Hadana Hadalku meel fiican ayuu Noo Marayaa”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada