XogCusub: Safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacawday Soomaaliya Waa Hawiye, balse yuu ka yahay?

XogCusub: Safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacawday Soomaaliya Waa Hawiye, balse yuu ka yahay?

daajis.com:-  Dowladda Itoobiya ayaa is badal ku sameysay safirkii Soomaaliya u fadhin jiray waxayna si rasmi ah Soomaaliya ugu soo magacawday Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ah shaqsi kasoo jeedo deegaanada Soomaalida ee Itoobiya.

Haddaba caasimadda Online oo dabagal ku sameysay asal ahaan halka uu kasoo jeedo safiirka cusub ee Itoobiya ayaa soo ogaatay waxyaabo ku saabsan ninkaan, Beesha uu kasoo jeedo iyo gobolka uu ku dhashay.

Magaciisa Waa Jamaaludiin  Mustafa Cumar wuxuu kasoo jeedaa Beesha Karanle Hawiye oo degmo deegaanka lagu magacaabo Baabili oo ka tirsan Gobolka Faafan oo ah gobolka sagaalaad ee soomaalida leedahay kaasoo gacanta ugu jiro dowladda Itoobiya.

Gobolka Faafan koonfur waxaa kaga beegan Jarar, koonfur galbeedna waxaa ka jiro Nogob, Galbeedkana waxaa ka jiro Gobolka Oromada halka ay barina xuduud kala leedahay Soomaaliya.

Safiirka cusub ayaa halkaas kasoo jeedo, waana Soomaali kasoo jeedo Karanle Hawiye oo ah beel ay walaalo yihiin Hawiye.

Karanle hawiye waa curudkii hawiye, waxoo uu guursaday inta uu ifka ku noolaa labo naagood., sida taariikhda lagu haayo, waxaa uuna ka kala dhalay min labo wiil iyo hal gabar oo la kala yiraahdo sida hoos kaaga muuqato.

Kaariye karanleKidir karanleSaxawle karanleWaadeerre karanle (Murusade)Fadumo Karanle
Sida ay habar wadaaga u ahaayeenna waa sida tan
Saxawle Karanle
Wadeerre KaranleKidir KaranleKaariye KaranleFadumo karanle.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada