daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku amray taliyaasha Ciidanka Dowlada in ay xilka isaga tagaan hadii aysan awoodin ay soo qabtaan dadka ku howlan falalka amaanka lidiga ku ah.
Kulan Madaxweynaha Farmaajo dhawaan la yeeshay Taliyaasha ciidanka Dowlada ayuu ku amray in ay la yimaadaan isbadal ayna wax ka qabtaan falalka amaan daro ee kusoo kordhay Muqdisho hadii aysan awoodina ay isaga tagaan xilka ay hayaan.
Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Joodax oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa soo dhaweeyay amarka Madaxweynaha ee ku aadan in Taliyasaha xilka ka tagaan hadii ay ku fashilmaan xaqiijinta amaanka, Wuxuuna sheegay in inta Badan Xildhibaanada ay Tageereen Amarka Kasoo Baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo, waxa uuna tilmaamay in wax wanaagsan ay tahay In lala Xisaabtamo Taliyayaasha Ciidamada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at