daajis.com:- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in amni darro awgeed u hakisay mashruucii dhismaha ee Safaaradeeda Muqdisho, sida ay shaacisay Wasiiradda Arrimaha Dibadda.
Aamina Maxamed oo la hadlaysay Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegtay in la mashcruuca dhismaha safaarada uu soo bilowday bishii Agosto ee sanadkii 2015, laguna waday in la dhameystiro dhamaadka sanadka 2016.
Dhismaha Safaaradda Kenya ayaa ka koobnaa xafiisyo, deegaanka Safiirada iyo afar guri oo ay degi lahaayeen Shaqaalaha Safaaradda.
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in sababahay loo hakiyay mashruucaas uu yahay caqabada dhinaca ammaanka, hase ahaatee waxaa ay tilmaamtay in 35% dhismaha la dhameystiray.
Kenya ayaa ku dhawaaqday bishii March ee sanadkii 2014 inay dib uga furaneyso Muqdisho safaaradeeda, si ay u xoojiso xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:45 and have
, Published at