Daawo Sawirada:- Al-Shabaab oo bilowday mashruuc ay ku fashilmeen dowladihii hore ee dalka

Daawo Sawirada:- Al-Shabaab oo bilowday mashruuc ay ku fashilmeen dowladihii hore ee dalka

daajis.com:- Warbixin kasoo baxday Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay bilaabayaan Mashruuc lagu magacaabay dayactirka Faanoole.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in mashruucaasi aan la fulin tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia.

Macshuuraaci oo ka hirgalay Gobolka Jubba dhexe ayaa xarigga looga jaray kaa oo la sheegay inay ku baxeyso dhaqaale xoogan oo ay bixisay Maleeshiyada.

Wadaadka Maleeshiyada ugu magacaaban Jubbooyinka Sheekh Max’ed ”Abuu Cabdalla” ayaa xariga ka jaray mashruuca Faanoole waxa uuna sheegay in mashruucaani uu anfaci doono dhammaan umadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warbixinta.

Waxa uu sheegay wadaadka in Faanoole ay furtay dowladdii dhexe ee uu hogaaminaayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre sanaddii 1983 isagoo ka bilaabanaya degaanka Manaane oo qiyaastii 36-Km u jira magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Wadaadka waxa uu sidoo kale sheegay in hirgalinta Mashruucaani looga faa’iideysan doono beerihii Bariiska, kuwii qasabka ee Sokorta iyo adeeggii korontada biyaha laga dhaliyo oo markii ugu horraysay ay Soomaaliya tamarta biyaha wabiga u dhoofisay dibadda sida Kenya iyo Itoobiya.
Wadaadka ayaa sheegay in Mashruucaani lasoo afjari doono dhawaan waxa uuna tilmaamay in dadka deegaanka ay si buuxda uga faa’iideysan doonaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada