daajis.com:- Saparman Sodimejo oo ah ninka dunida ugu da’da weyn xiligan ayaa maalmo ka hor 31-kii bishii Disembar ee sanadkii hore waxaa uu u dabaal degay sanadguuradiisii 146-aad ee dhalashadiisa.
Ninkan oo lagu naaneyso Gotha ayaa dhashay 31kii Disembar sanadkii 1870-kii sida ay xaqiijisay waaxda diiwaangelinta dadka ee wadanka Indonesia.
Gotha waxaa uu ku nool yahay tuulo lagu magacaabo Java oo ku taalla bartamaha wadanka Indonesia, weli waxbuu arkaa inkastoo awooda jirkiisa ay aad u daciiftay.
Waxaa uu sheegay inuu geeri isku diyaariyey wixii ka dambeeyey sanadkii 1992-dii balse Gotha weli waa nool yahay illaa xiligaas oo hadda laga joogo 24 sano.

Waxa uu lahaa ninkan afar xaas oo tii ugu dambeysay geeriyootay sanadkii 1988-dii, waxaa sidoo kale geeriyooday dhamaan caruurtiisii, xiligana waxa gacanta ku haya oo xanaaneeya caruur oo awoowe u yahay oo iyaga laftooda da’ ah iyo wixii ay sii dhaleen sida uu sheegay Gotha.
Ninkii ugu da’da weynaa caalamka ee Gotha ka horeeyey ayaa geeriyooday 1997-dii waxaana 19 sano ka dib weli nool Gotha sida ay qortay Jariidada Daily mail ee ka soo baxda dalka Britain.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at