daajis.com:- Madaxweynaha Puntland mudane, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ka furay xarun Keydka Haamaha Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Magaalada Boosaaso.
Munaasabaddan Furitaanka Haamaha Keydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ganacsato, Madaxda gobolka Bari iyo sidoo kale quburo caalami ah.
Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo Khudbad kooban ka jeediyay munaasabadaasi ayaa bogaadiyay Ganacsatadii Hirgalisay Haamaha Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka iyo sidoo kale maamulka gobolka Bari.
Magaalada Boosaaso oo ah Magaalo Madaxda Ganacsiga Puntland ayaa sanadyadii lasoo dhaafay waxaa ay gaartay Horumar balaaran, iyadoo magaaladdsi laga hirgaliyay mashruucyo waaweyn sida dhismaha garoonka diyaaradaha, dayactirka dekedda ay maraakiibta ku soo xirato iyo dhismaha wadooyin muhiim u ah magaaladaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at