Daawo Sawirada Naxdin Leh laga soo qaaday Qaxootigii Soomaalida ahaa ee lagu burburiyey gantaal ay tuurtay Diyaarad Helicopter

Daawo Sawirada Naxdin Leh laga soo qaaday Qaxootigii Soomaalida ahaa ee lagu burburiyey gantaal ay tuurtay Diyaarad Helicopter

daajis.com:- 31 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu dilay xeebaha dalka Yeman, kuwaasi oo ay duqeysay diyaarad helicopter ah xili ay u socdaalayeen gudaha Yeman sida ay baahisay wakaalada wararka Reuters.

Dadkaan Soomaaliyeed oo haystay documentiyada hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa waxay ka tageen xeebaha ay maamulaan xuutiyiinta, gaar ahaan Hodeidah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 80 qaxooti kale laga badbaadiyay markii duqeyntaasi ay ku dhacday doonta, kuwaasi oo dhamaantood ahaa Soomaali.

Ilan hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo safaarada ay ku leedahay Yeman ma jirto. Sidoo kale, Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.

Dalka Yemen ayuuse dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii; saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.

Dayuurada helicopterka ah ee duqeynta geysatay ayaa waxaa la aaminsan yahay iney leeyihiin isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo oo dagaal adag kula jira kooxda shiicada xuuthiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto.
Haddaba hoos ka daawo sawirada laga soo qaaday


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada